Tartanka Koobka kubbada cagta ee Dibjiriinta ( Darbijiifka) waxaa la qabtaa sannadkasta waxaana la aas-aasay sannadkii 2003dii oo wadanka Austria uu marti galiyay kaas oo ay ka qayb qaateen 4dal oo kaliya oo ahaa wadamada: Austria, Holland, England, Brazil, halka maantana ay ka qayb qaadanayaan 64 dal, Tartankan inta badan waxaa lagu ciyaaraa faras-magaalaha( Down Town) Caasimadaha wadamada marti galiynaya.
Wadamadii Marti galiyay Koobka Darbijiifka Adduunka 2003-2010
2003 Austria
2004 Sweden
2005 Scothland
2006 South Africa
2007 Denmark
2008 Australia
2009 Italy
2010 Brazil
Hadaba inta u dhaxaysa Bisha 19 September ilaa 26 September 2010. wadank Brazil ayaa nasiib u yeeshay inuu marti galiyo koobka Kubbada Cagta darbijiifka Aduunka oo ah koobkii 8aad ee la ciyaaro, waxaana ka qayb galayaWadamada:- Argentina ,Australia ,Austria ,Belgium ,Brazil ,Cambodia,Cameroon ,Canada ,Chile,Colombia ,CostaRica ,Croatia ,Czech,Republic ,Denmark ,England ,Finland ,France ,
Germany ,Ghana ,Greece ,Haiti ,HongKong,Hungary ,India ,Indonesia,Ireland ,Italy ,Kenya ,Kyrgyzstan ,Lithuania ,Luxembourg ,Malawi ,Mexico ,Namibia,Holland ,NewZealand ,Nigeria ,Norway ,
Palestine,Paraguay ,Philippines ,Poland,Portugal ,Romania,Russia ,Scotland ,Serbia ,Singapore ,Slovenia ,South Africa
,Sweden ,Switzerland ,Uganda ,Ukraine ,USA ,Zambia ),kaas oo lagu ciyaari doono faras Magaalaha Rio de janierio. tiradan waxbaa ka dhiman mana ay soo gudbin diiwaankooda.
Shuruudaha Kooxaha Dibjirka ( darbijiifka ee ka qayb galaya tartankan )
1. Waa in cimrigiisu ahaado 16 sanno ( lab ama dhedig)
2. Waa in uu yahay qoxooti ama qof leh Sharci oo ay shaqo la' aani hayso
3. Waa in uuna haysan Hoy uu ku hoydo oo uu leeyahay Surin ( luuq-luuq) loogu soo hagaago
3. Waa inuu xubin ka ahaado hay'daha Dibjiriinta ( Darbijiifka )
4. Waa in dalkiisu Xubin ka yahay hay'da Dibjiriinta iyo FIFA
Maalgalinta Koobka Kubbada Cagta ee Darbijiifka
Tartankan waxaa si toosa u maalgaliya Xiriirka Kubbada Cagta ee Eurpe (UEFA), Shirkada Nike iyo Kooxaha Manchester United, iyo Real Madrid ,waxaa kaloo maalgasha tartankan Ciyaartoygii hore ee Eric Cantona , iyo Ciyaaryahanada Didier Drogba , Rio Ferdinad.
Xeerarka Tartanka Koobka Kubbada cagta ee Darbijiifka Adduunka
Xeerka iyo Xeerinta lagu ciyaarayo tartankan waa mid lagu salaynayo Sharciga ( Mini-Soccer play) ee Ciyaaraha
Dhererka garoonka: 22Metre, Balaca garoonka : 16Metre
Goolasha: Balaca.4m. jooga: 1.30m
Jooga Shabaqa labada gees : 3m
Wareega gool-laadka (penalty): goobada 4m
Wakhtiga: 14 Daqiiqo , Nasashada: waa 7 daqiiqo
Tirada Ciyaartoyga :8Ciyaartooy
Tirada Ciyaari karta : 4 Ciyartooy
Heegan: 2Ciyaartooy
Bedelka Ciyaartoyga: 3 Ciyaartooy ayaad ugu badnaan aad badali kartaa
Kubbada : Qiyaasta 5, hawada 0.6afuuf
Sidoo kalle waxaa ka qaybgala Haweenka Dibjirka oo la bilaabay Sannadkii 2008dii sannadkan waxa ka qayb galaya 16 kooxood oo ah haweenka darbijiifka oo ka socda caalamka , hadaba Koobkii Haweenka ee 2008dii waxaa la hoyday kooxdii Dumarka Darbijiifka ee Zambia. taas oo u suurto galisay in haweenaydii dhalisay goolkii ugu quruxbadnaa ay heshay deeq waxbarasho oo la odhan jiray xidigadaas Meranda Namafe.
Dibjirkii ugu Horeeyay ee qaatay abaalgudka Kabta dahabka
2003 Tremayne Gomes Jamaica oo ku qaatay ( 37 gool)
Ciyaartoygii ugu fiicnaa Haweenka darbijiifka ah mudadii uu socday tartankani
Linsay Cooper / Scothland
Kooxaha Africanka ah ee ka qaygalaya tartankan waa la xadidaa,sobobtoo ah dhowr tartan oo ay ka qaybgaleen ciyaartooyda qaarkood ayaa baxsady oo is dhiibay, gaar ahaan koobabkii lagu qabtay Europe.
Koobka Kubbada cagta ee darbijiifka Adduunka 2011 waxaa marti galinaya Wadanka Fransiiska
Fiiro gaara: Ma haboontahay in deegaamada Somaalida ee Nabadu ka jirto ay abaabulaan tartanka Ciyaaraha Dibjiriinta ( darbijiifka) ?
Macluumadkii : Worldcuphomeles
Mahdi Farah Aden ( Mahdi Ghandi )