
|
|
ciyaartoy caan ah oo muslimeyKumanaan kun Faransiis ah ayaa sanad kasta soo gala diinta Islaamka, laakiin intooda badan weey ku adag tahay inay soo shaacbixiyaan Islaanimadooda iyagoo ka baqaya in lagu takooro goobaha shaqada iyo guryahooda iyadoo dadku ay u arkaan kuwa diinta ku cusub ay u janjeeraan amaba isku bedela kuwamayilka adag.
Dadka Islaamka soo gala ee ku nool dalka Faransiiska lama mar ayay ka fekeraan kahor inteysan soo shaacbixin diinta cusub ay qaateen ee Islaamka, waxaa macquul ah inay la kulmayaan takoorid kaga imaata reerahooda iyo goobaha shaqada” sidaasi waxaa tiri, mas’uul u hadashay Ururka Dumarka Muslimiinta Faransiiska ee lahu magacaabo Maqali Snebat. Waxay tusaale usoo qaadatay ciyaaryahanka caanka ah ee kubada cagta Nicolas Anelka oo qarsanayay Islaanimadiisa mudo dhan afar sanadood.
Anelka oo u soo cayaaray naadiyo kala duwan sida Paris Saint-Germain,Arsenal,Real Madrid,Liverpool iyo Manchester City ugu dambeyntiina uu ku biiray koox Turkey ah kadib markii ay soo wajeheen cadaadis kaga yimid kooxahaasi. Culumada diinta Islaamka qaarkood oo ku nool dalka Faransiiska ayaa xugmiyay inay suuragal tahay dadka ku cusub Islaamka inay qarsadaan diinta hadii ay ka baqayaan inay dhibaato uga imaato qoysaskooda,dadka ay la shaqeeyaan ama xagga amaankooda.
Dad badan ee asal ahaan kasoo jeeda Carab iyo Muslimiinta kale ayaa sidoo kale lagu qasbaa inay bedelaan magacooda ayna qariyaan asal ahaan meesha ay kasoo jeedaan si markaasi suuragal ugu noqoto inaysan dhibaato uga imaan booliska iyo dadka ay shaqada uraadsanayaan.
|
International Headlines
|













