
|
|
Xiriirka Kubada Cagta oo afur iyo Suxuur ugu deeqay dhalinyaro Soomaaliyeed.Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa afur iyo suxuur ugu deeqaqy dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku haray xaafadaha laga kala qaxay ee ku dhow xarunta xiriirka ee ku taala Xaafada Geed Jacayl ee degmada Wardhiigley.
Mar qura ayay dhallinyaradani farxad dareemeen markii uu lasoo xiriiray gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyed ee kubada cagta Siciid Mxamuud Nuur Mugaabe una sheegay in uu xiriirku dabarayo cunadooda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka. Dhallinyaradan ayaa guddoomiyaha xiriirku uu guddoonsiiyay lacago kaash ah si mid kasta oo ka mid ahi uu ugu iibsado raashinka uu daneynayo in uu ku soomo. Dhallinyaradan ayaa qaarkood ay sheegeen in ay qorshaha ugu jirtay in ay xaafadaha ka tagaan oo reerohooda u qaxay duleedyada Muqdisho lasoo joogaan inta ay socoto bisha barakeysan ee Ramadaanka. |
International Headlines
|













