
|
|
Ex. Ciyaaryahan Sheekhaaloow "Markii aan u ciyarayey Minishiibiyo goolasheyda kooxdu waa ku xisaabtami jirtay"Ex. Ciyaaryahan Max'ed Xuseen Cali (Sheekhaalow) oo ka mid ahaan jiray weeraryahanadii soo maray Soomaaliya wixii ka horreeyey 1990-kii, isla markaana caan ku ahaa dhalinta rigoorooyinka & bulusyoonada loo dhigi jiray kooxdiisa ayaa ahaa ciyaaryahan soo maray xulkii gobolka Banaadir, naadigii Minishiibiyo & xulkii Qaran-ka Soomaaliya, wuxuuna naadigiisa & gobolka Banaadir la soo qeybsaday koobab kala duwan oo isugu jira horyaalka kubadda cagta Soomaaliya & kii gobolka Banaadir. Sheekhaalow oo ka mid ah ciyartoydii aan ka bixin sanadihii dagaalada sokeeye magaalada Muqdisho ayaa noqday ciyaaryahan qeyb uga jira sida saaxiibadiisa kale soo saarida dhalinyaro cusub oo mustaqbalka bedela xiddigihii horay Soomaaliya u soo maray, waxaana Sheekhaaloow uu ku guuleystay in uu tababaro u furo dhalinyaro da'yar oo xilligan ka mid ah kuwo looga jecel yahay kooxooda magaalada Muqdisho. "Waxaan tababare u soo noqday sanadihii u danbeeyey kooxda Kesko & Gasko" ayuu yiri Sheekhaaloow oo ka mid ahaa macalimiintii garoonka Banaadir Stadiom bilihii la soo dhaafay tababarka ku siinayey xulka Juniors-ka kubadda cagta Soomaaliya ee todobaadkan looga soo adkaaday kulankii dalka Rwanda, wuxuuna Sheekhaalow xusay in saaxiibkiis Cabdi Kuus oo ay tababarka isla wadeen uu isagu horay u sii kaxeeyey xulka Juniors-ka, isagoo xusay in isaguna uu rajeynayo in xulka Qaran-ka Soomaaliya uu u horkici doono tartamada ku soo fool leh. "Muddadii aan kubadda cagta ku jiray taageerayaashu waxey ii yiqiineen shabakh daloolshe, sababtoo ah ma qasaarin jirin fursadaha soo mara kooxdeydii Minishiibiyo, waxaana xilligaasi garbaheyga buuxin jiray ciyaartoydii kala ahaa Axmed Saalax Cawad (Binishaakir), Nuur Gaab, Kuluu & ciyaartoy kale" ayuu yiri Sheekhaaloow. Sheekhaalow oo ahaa weeraryahan cabsi geliya difaacyada ka soo horjeeda ayaa waxaa raacitaankiisa horay uga qeyliyey difaacii naadigii Madbacadda Muller oo sheegay in Sheekhaaloow uu soo alifi jiray qaabkii uu kugu mari lahaa xilliga qadada intii aysan dhicin ciyaarta, wuxuuna Muller wareysigaasi siiyey barnaamijkii faaqidaada ciyaaraha ee ka bixi jiray Radio Muqdisho
|
International Headlines
|













