
|
|
Faaqidaada ciyaaraha aduunka.
Maanta ayaan waxaan uga hadli doonaa barnaamijkeena sida uu u dhici doono jimcaha soo socodo isku aadisga world cup-ka 2010-ka,
Ayada oo lagu wado in jimcaha magaalada cape town lagu sameeyo isku aadinta kooxaha u soo baxay world cup-ka ayaa waxaa laga dareemayaa magaalada cape town diyaar garow heer sare ah.
Waxaa la xiray gabi ahaan wadooyinka soo kalo xarunta convention center oo lagu wado in lagu qabto xaflada maalinta jimcaha ah, sidoo kale waxaa aad loo sugay amaanka dhamaan meelaha u dhow xaruntaas.
Boorar waaweyn ayaa lagu dhajiyay dhamaan darbiyada dhismooyinka ku waas oo loogu tala kalay in lagu ogeysiiyo dad weynaha.
Waxaa si aad ah dalka u soo buux dhaafiyay dad weynaha dal xiisayaasha ah ku waasoo rabo in ay u diraar galoowaan daawashada ciyaaraha aduunka, waxaa loo diyaariyay gawaaridii ay ku dalxiisayeen.
Sidoo kale waxaa xarunta horteeda lagu soo dhajiyay dhamaan calamada kooxaha ka soo qeyb kalayo ciyaaraha aduunkaoo dhan 32-kooxood.
Isbuucaan oo idil waxaa cape town la xiri doonaa ganacsiga iyo xafiisyada waa weyn ee magaalada si ay u soodhaweeyaan wufuudaan lagu wado in ay soo gaaraan dalka.
Waxaa lagu wadaa 2-12-09-in uu cape town yimaado hogaamiyaha fifa sepp blatter yo wufuud kale oo ka tirsan xiriirka kubada cagta ee fifa, sidoo kale, isla maalintaas cape town waxaa lagu wadaa in la keeno koobka lagu tartamayo nafsad ahaantiisa, iyo waliba waxaa lagu wadaa in ay yimaadaan fanaaniin caan ah oo lagu wado in ay xaflada ku soo bandhigaan heeso cajiib ah.
Sidoo kale waxaa la sheekay sida ay magaalooyinka uga kala dhici doonaan kulamada.
Johansberg:15kulan Nelspruit:4kulan Restenburg:6kulan Bloemfontein:6kulan Cape town:8kulan Darbun:7kulan Polokwane:4kulan Port elizabeth:8kulan Pretoria:6kulan
Waa markii ugu horeysay oo africa ay marti galineyso k/aduunka la arki doonee sida reer africa iyo gaar ahaan reer k/africa ay u marti galin doonaan aduunyada.
Sadaam Ahmed Gobey cape town k/africa
|
International Headlines
|



















