
|
|
Ferdinand oo Captan u noqday England.Kadib kulan balaaran oo ay galinki danbe ay shalay wada yeeshayn tababaraha Qaranka ingiriska iyo Captan John Terry oo mudooyinkaani danbe lagu haystay Fadeexo laxariirta xiriir guur kabaxsan oo uu in muddo ah la lahaa, gabar faanisa dharka ay dumarku hoosta ka xirtaan oo la yiraahdo Venesa Perroncel.
John terry oo kana mid ah ciyaarhanadda ugu waaweyn ee kooxda heerka kowaad ee John Terry ayaa lumiyo, kabtanimada kooxda Egland wuxuu sidoo kale lumiyay lacago fara badan oo ka soo galayay iidhehyada uu u samay nayay shirkadaha qaarkood. Iyadoona Captanimadii laqaaday gacanta loo giliyay ciyaaryaha Rio Ferdinand, oo u ciyaara kooxda kubada cagta ee Manchester United oo horay u ahaan ku xigaynka John Terry Isagoona iminka Ferdinand noqday captan koowaad ee xulka waxaana kuxigeey kiisa looga dhigay ciyaaryahan Steven Gerrard, oo ah captainka kooxda Terry qudhiisa ayaa markiiba sheegay in uu sii wadayo kooxda Ingiriiska u ciyaarayo, iyadoo ciyaarta u horaysa ee tahay mid ay la ciyaarayaan kooxda Maraykan Bisha June 12. Terry wuxuu kaloo sheegay in uu qaderinaayo go'aanka uu gaadhay Capello. Ferdinand, waa 31 jir, waxaana jirta in uu 12 ciyaarood ee dambeeyey uu kooxda Ingiriiska afar jeer oo keliya u ciyaaray, dhaawacyo gaashay awgeed, taas oo la is-waydiinayo, in uu marka Koobka aduunku bilowdo uu lagu tala geli karaayo. Laakiin, captainka cusub,Ferdinand, ayaan qudhiisu eed la'ayn, oo dhibaatooyin soo mareen. Sanadii 2003 ayaa ciyaaraha laga manuucay mudo sideed bilood ah, ka dib markii la waayey si looga qaado kaadi laga baadhayo in uu mukhaadaraad qaatay iyo in kale. isla wuxuu hada ku jira afara ciyaarood oo xidhiidhka kubada cagta ee Ingiriisku ka mamnuucay, markii lagu helay in uu suxulku dhiftay ciyaartoy kooxda Waxa la eegaya ciyaarta ugu horaysa ee kooxda Ingiriiska, oo ay Bisha soo socota la ciyaarayaan kooxda dalka masar,oo ah horyaalka kubada cagta ee qaarada Yusuf Hussein Hassan [Huudda] yuusuf504@hotmail.com Cell Phone: +254-713355721
|
International Headlines
|














