
|
|
Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho cidna uma maqna ceelna uma qodna.Shabakadda Somsports oo looga bartay ka hadalka waxyaabaha daahsoon iyo hanaqaad Iasboortiga Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa ay warbixin idiin kaga heysaa garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho
Garoonka Stadium Muqdisho au si ba'an u saameeyeen dagaalladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay ayaa waxaa ugu soo darsantay daryeel la'an iyadoo haatan uu haawanayo dhexdiisa banaankiisana lagu barto gawaarida noocyadooda kale gedisan waxaana arintasi loo aaneeyaa sharci la'aan daba dheeraatay ee wali ka jirta dalka. Waxaan garoonkaasi kula kulmay nin ii sheegay inuu yahay taliyaha xagga amaanka ee Tuulada Stadium Muqdisho isagoo sheegay i6kii sano ee bur burka inay u taagnaayeen ilaaleyn dhismahan danta guud isagoo sheegay inay jiraan shaqsiyaad ganacsato ah inay dhowr mar ka codsadeen inay klu wareejiyan dhismahaasi si uga sameystaan goobo iyagu gaar u leh hayeeshee ay ka diideen.Garoonka oo aan ku soo gaar wareegay waxaa ka sokoow cidli nimadiida u sii dheer dac darro dhinac kasta ah oo ka muuqata iyadoo dhexdiisana ay ka baxeen booc boocyo aan horay looga tiiyoo aaney jirin cid gacan ka geysaneysa dib u dayac tiridiisa.
Si kastaba ha'ahatee garoonka Stadium Muqdisho oo lagu tilmaamayay mid ka mid ah garoomada kubadda cagta ee qaaradda Afrika ay ku faanto ayaa haatan u baahan gacan ah dib u dhisid iyo ilaaleyn intaba waxaana ay arintaasi u taalla masuul kasta oo isboorti maadama aaney xilligan cidna u maqneyn ceelna u qodneyn |
International Headlines
|

















