
|
|
Jaale Wiish oo maanta shiriyay Guddiga Fulinta GOSMUQDISHO: Waxaa maanta hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho ka dhacay shir bileedkii guddiga fulinta gddiga Olombikada Soomaaliyeed oo uu shir guddoominayay war bixina looga dhageystay guddoomiyaha Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).
Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in dalalka "Waxaa ay ahayd guul weyn oo taariikhi ah sababtoo ah waligeed ma aanay dhicin in madaxda ugu sareysa guddiga Olombikada Soomaaliyeed ay safarro noocan oo kale ah kusoo maraan Yurub iyadoo ujeedkuna ahaa in jaaliyadaha wada tashiyo lagalasoo sameeyo habka ugu wanagsan ee la isaga kaashan karo horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed, runtiina jaaliyaduhu si weyn ayay noosoo dhaweeyeen" ayuu xubnaha guddiga Fulinta u sheegay guddoomiye Wiish oo hadalkiisa laga dha dhan san karay sida weyn ee jaaliyadaha ay uga go`neyd in iskaashi laga sameeyo sare u qaadista isboortiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada. Waxaa uu guddoomiyuhu dhanka kale sheegay intii uu safarka ku marayay Yurub in uu magaalada Lausanne ee xarunta Olombikad aaduunka wafdigiisu kagasoo qeyb galay shir weynihii 121-aad ee Olombikada aduunka kaas oo ay ahayd markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay shir noocaas ah ka qeyb gasho taariikhda inta la ogyahay, taas oo ah mid ka mida guulaha waa weyn ee Olombikada Soomaaliyeed ay ku talaabsatay wixii ka dambeeyay shir weynihii 5-aad ee doorashada Olombikada ee bishii Maarso ka dhacay dalka Jabuuti. Waxaa uu guddoomiye Wiish sheegay in guddiga Olombikada aduunka madaxdiisu ay aad usoo dhaweeyeen wax qabadka Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriirada hoos yimaada oo aan hakad ku iman xilli dalka Soomaaliya uu marayo marxalad aad u adag. "Waxaan la kulanay waaxyaha kala duwan ee Olombikada aduunka iyo xiriirada caalamiga ah waxaana ay dhamaantoodba si weyn u amaaneen habka Olombikada Soomaaliyeed ay u shaqeyso waxaana ay noo balan qaadeen gacan intii ay na siin jireen in ka badan in ay na siiyaan" ayuu yiri guddoomiyaha oo sheegay in waaxda qalabka ee Olombikada aduunka madaxdeedu ay sheegeen in ay si weyn ugu qanceen qaabkii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed uu xiriirada iyo gobalada u gaarsiiyay qalab horumarineed oo ku dhawaad sanad ka hor lasoo gaarsiiyay Soomaaliya. "Waaxda qalabka madaxdeedu waxaa ay noo balan qaadeen in qaqlab kii hore ka badan kana tayo wanasgan ay na siinayaan waxaana uu qalabkaasi nasoo gaari doonaa hadii Alle idmo muddo laba bil gudoheed ah" ayuu guddoomiye Wiish u sheegay xubnaha guddiga fulinta oo arinkaasna sacab kusoo dhaweeyay maadaama aad loogu baahan yahay qalabka horumarinta xilligan. Waxaa uu guddoomiyuhu u sheegay xubnaha guddiga fulinta intii uu safarka ku jiray in isaga iyo madaxdii la socotay ay kusoo guuleysteen in ay heshiisyo lasoo galaan shirkado wadani ah iyo hey�ado caalami ah heshiisyadaas oo dhamaantoodba wax tar u leh guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriirada hoos yimaada. Hay`adahaas caalamiga ah waxaa ka mid ah Hay`ada la yiraadho COPNE HAGEN INTERNATIONAL ASSOCIATION oo fadhigeedu yahay dalka Sidoo kale talaabada taariikhiga ah ee uu guddiga Olombikadu maanta usoo bandhigay xiriirada waxaa ka mid ahayd in uu heshiis lasoo galay masuulka ugusareeya shirkadda diyaaradaha wadaniga ah ee Jubba Airways oo ay kukulmeenmagaalada Stockholm ee dalka Sweden heshiiskaas oo dhigaya in ruux kasta oo isboorti ah oo safar u baxaya laga dhimo qiimaha tikitka 25% taas oo uu guddoomiyuhu si weyn ugu amaanay shirkadda Jubba Airways oo uu sheegay in ay tahay shirkad muddo dheer gacan kazoo geysanayesay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed. Dhanka kale waxaa uu guddoomiyhuhu halkaas ka xusay talaabooyin xaga horumarka ah oo ay dhawaan sameeyeen qaar ka mida xubnaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiiirada taas oo gacan weyna looga helay GOS. Horumarkaas uu guddoomiyuhu sheegay ayna mudan tahay in la xuso waxaa ka mida ka mid-noqoshada xubno GOS ka tirsan ay ka mid noqdeen guddiyada Fulinta ee ANOCA Zone 5, xiriirka kubada koleyga carabta iyo xiriirka doomaha dalalka carabta, waana markii ugu horeysay ee guulo noocaas ah uu guddiga Olombikada Soomaaliyeed ku talaabsado muddo bil ka yar taariikhda inta la og yahay. Ugudambeyntii waxaa uu guddoomiye wiish sheegay intii safarkooda ay ku guda jireen in ay kusoo guuleysteen xiriirada caalamiga ah in ay kasoo helaan koorsooyin wax barasho oo la siinayo xiriiro iyo ururo hoos yimaada gudiga Olombikada Soomaaliyeed. Waxaa xiriiradaas ka mid ah Kubada koleyga, kubada gacanta, cayaaraha fudud iyo Teeniska oo koorsooyinka la siinayo wixii ka horeeya bisha janaayo ee sanadka soo socda, halka xiriirada kubada miiska, kubada cagta, shataranjiga,Laliska, ururka Bii`ada, ururka saxaafada iyo ururo kalana loo qaban doono koorsooyinka ka hor dhamaadka sanadka soo socda. Markii uu gudodomiyuhu war bixintiisa dhameystay kadiib ayaa waxaa xubnaha gudidga fulintu ay weydiiyeen su`aalo, isagoo dhamaan su�aalihii la weydiiyayna guddoomiyuhu si saraxad leh uga jawaabay.
Source: Somali NOC Media Department |
International Headlines
|
















