Macallin Maradona oo ka hadlay guuldarada Argentina iyo inuu sii ahaan doono tababare
Ciyaartoygii Qarniga Diego Armanda Maradona oo la hadlayey warbaahinta maanta ka dib , markii uu guuldaro kala kulmay ciyaartii dhexmartay xulkkiisa Argentine 0 - 4 Germany, ayuu wariyaha Tv2 uu ku bilaabay hadlkiisa Maradona Masar ama maro indhihiisa kama saari karo guuldaradan, daqiiqado ka dibna Mardona ayaa ku bilaabay oo ku jawaabay sidan :
Waligay intaan noolaa lama kulmin guuldaro noocan oo kale ah, waa guuldaradii iigu cuslayd ee aan la kulmo, dharbaaxo noocan oo kale ma arag abidkay
Maradona ayaa hadana wax laga waydiiyay , Ma laga yaabaa in aad sii ahaato tababaraha Argentina mise waad ka tagaysaa sidii tababarihii Brazil ee Dunga uu isku casilay markii ay Holland ka badisay ?
Mardona: wali waxaa ku jira shaki xilkayga , laakiin in aan la sii joogo Xulka wadankayga waxaan kala tashanayaa xaaskayga , mana ogi waxa berito dhacaya laga yaabaa in aan joojiyo iyo in aan sii wato, waan jeclaa ergentina inay sii wadato ciyaaraha laakiin waanu guuldaraysanay, intaa dabadeed Argentina Nasiib Xumo ayay ku noqotay in ay ku hungoobeen rajadii ay ka qabeen koobka Adduunka in ay saddexaystaan , ciyartooy Mesi uu isagu noqdo ciyaaryahanka saddexaad ee laga xuso Argentine,sida Merio Kempes oo koobka u qaaday Argentina 1978 isla markaana noqday Gool dhaliyihii ugu goolasha badnaaa sannadkaas iyo Maradona oo u qaaday 1986dii iyo 1990 oo uu keenay Finelka
Ciyaartooy Tevez oo ay murogo ka muuqato ayaa isaguna ay labo eray ka soo baxeen wuxuun yidhi: Waxay igu reebtay xanuun in aan guuldaraysano, si xun baan u ciyaarnay waanan ogayn in Germany diyaar u ahaa mmmmmmmmm iyo sidaas oo kale.
Mucjusooyinka Maradona Lagu Xasuusto waxaa ka mida filimkan ,xadhkaha Kabaha oo furan kubbada la baleejeeyo ( dhagi-dhagi ), , qaabkan waxaa looga digay caruurtu inay ku daydaan oo ilkuhu ka daataan
Hadii Maradona ku guulaysan lahaa koobka adduunka ee 2010 waxuu la mid noqon lahaa ciyaartoygii Beckenbauer ee Germay oo ku guulaystay koobka Adduunka 1974tii isagoo captainka kooxda ah, sidoo kalena ku guulaystay Koobkii adduunka ee 1990kii isagoo tababare ah.
Argentine waa wadanka kaliya ee ciyaaruhu ay gilgileen xukuumadii kali taliska ahayd ee Jorge Rafael Videla ,guushii argentina ee 1978dii, Madaxweyne Videla waxa uu ku waayay kalsoonidii xooga dhalinyarada oo ah cududa mustaqbalka ee
ummadi ku nasato kuna badbaadaan, waxaana ka faa' iidaystay xoogagii isbedel doonka ahaa , Ciyaartoy kempes, Ardiles iyo Basarella , ayaa ahaa raga lagu xasuusto kuwii lugahooga ku keenay dimoqraadiyada iyo kor u kaca qiimaha ciyaartoyga Argentina iyo sumcada wadanka waxaana sii xoojiyay Maradona.
Mahdi Farah Aden ( Mahdi Ghandi )
Holland