Maradona oo Laga Eryay Leylinta Xulka Argentina

Guddiga fulinta Xiriirka Kubadda Cagta ee Argentina {AFA}oo kulan gaar ah yeeshay ayaa laga soo saaray go`aanka inaan dib loogu cusbooneysiin Diego Maradona xilka Tababarenimo ee xulka Arhentina.

 
War qoleed lagu daabay website-ka rasmiga ee Xiriirka Argentina ayaa lagu yiri" Guddiga fulinta xiriirka waxay isla garteen inaan dib loogu cusbooneysiinin  xilkii tababarenimo tababare Diego Maradona."
 
Madaxa  AFA Julia Grondono ayaa tibaaxay in go`aanka ay qaateen uu yahay mid si weyn looga baaraandegay isla markaasna wuxuu tibaaxay waxyaabaha loo cuskaday xilka qaadistiisa ay ka mid tahay madax adeyg uu ka  muujiyay talooyin loo soo jeediyay.
Maradona, oo 49-jir ah, ayaa leylinta xulka Albiceleste  la wareegay  2008. guud ahaan 15 kulan ayuu leyliyay 8 guul iyo 7 guuldaro ayuuna la kulmay. Waxaan ciyaarihii loogu soo gudbayay koobka adduunka 2010 uu kala kulmay marxalad adag inkastoo koobkii adduunka ee South Africa uu la soo galay wacdaro, balse waxaa hakii uu ka qabay ciyaarahaasi lumiyay Germany oo 4-0 ku dubatay xiddigihii Maradona.
Maradona oo ah xiddig dunida kubadda cagta si weyn magac ugu leh ayaa waayihiisa isboorti u muuqanaysaa mid ku soo idlaanaysa si uusan ku qansanayn.