Maxaad kataqaanaa taariikhada Oradyahanka C/qadir Axmed Cadaawe{Ben jonson}....

C/qadir Axmed Cadaawe {Bel jonson} waxa uu ku dhashay magaalada muqidisho gaar ahaan Dakmada Yaaqshiid Sanadkii 1973 waxa uu waxa barashadiisa dugsiga hoose kusoo qaatay Dugsiga Yaaqshiid balse isagoon wali ku guda jira waxa barashada dugsiga hoose ku jira ayaa waxaa laqabtay Tartanka dugsiyada G/Banaadir markaas ayuu siwayn ug dhe muuqday ciyaarahaasi waxa uuna Orday 100 mitir iyo 200 oo mitir waxa uuna 100 mitir kagalay kaalinta 1aad 200 oo mitir waxa uu ka galay kaalinta 3aad sanadkaasina waxa uu ahaa 1987

intaa kadiba waxa uu dhamaystay waxa barashadiisa duksiga hoose waxana loo wareejiyay dugsiga Hoose dhexe iyo Sare ee Janaraal Daa uud waxaana isagoo dhiganayay waxa barashadiisa ay kuwaaniyeen labo ciyaartoy oo kala ahayd Muxudiin Wareerow oo ka tirsanaa kooxda Warshadaha iyo Cabdi warsame isaaq oo isna katirsanaa naadiga {Inji}

 

sanadkii 1988 markii uu tababarka si heersaraha ah uqaadanaya ayaa loo magacaabay Juunyariska naadiga Warshadaha oo xiligaasi macalin u ahaa Cali saciid isala sadankii 1988 waxaa la qabtay Tartanka joonyariska waxa uu ciyaaryahan C/qadir uu carayay 100 mitir iyo 200 oo mitir waxa uuna ka galay labada ciyaaroodba kaalinta 1aad iyasagoona ka iskoof fiicnaaday iskoorak uu dhigay kan seria A 100ka mitir iyo 200 oo mitir

 

sanadkii 1989 markii uu rikoor fiican ka dhigay tartankii laqabtay ayaa waxaa lagu daray ciyaartoyda Seria A ee kooxda Warshada ah

isala sanadkaasi markii lagu daray ciyaartoyda Seria A naadiga warshadaha ayaa waxaa laqabtay Tartanka Janaraal Daa uud waxa uuna naadigiisa u ordayay 100 mitir isagoona kaalinta 1aad ka galay ciyaarahaasi

 

Sanadkii 1989 ayaa waxa uu kamid noqday ciyaartoyda u cararaysa G/Banaadir marlaqabanayay Ciyaaryaha Gobalada

Sanadkii 1990 ayaa C/qadir Axmec Cadaawe {Ben jonson } ayaa waxaa loo magacaabay ciyaartoyda Qaranka soomaaliyeed Oradada markii loo magacaabay kadib ayaa waxaa Amarka kasoo baxay madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaarraha Fudud iyagoona loosheegay inay Rikoor layaableh dhigaan durbadiiba waxaa lagu dhawaaqay in laqabanayo Tartanka Xidigaha

waxayna uuna ciyaaryahan {Beljonson } uu dhigay rikood ay ku qan caay madaxada Xiriirka Ciyaaraha Fudud iaygoona laga xulay Tartankaasi ciyaartoya Qaranka soomaaliyeed ee Ciyaarha fudud oo xiligaasi loo diyaari nayay Tartan Maaradon ah oo ka dhacayay Wadanka Faransiiska

C/qadir waxa uu kamid noqday 4 ciyaartoy oo loo magacaabay ciyaartoyda xulka Qaranka soomaliya oo lagu waday inay ka qayb galaan Tartan ka furmi rabay wadan Farnsiiska

ciyaartoya Qaranka xiligaasi lo maga caabay ayaa waxay kala ahaa yeen

 

1:Shidane oo loo qaatay inuu cararo 400 Mitir iyo 200 oo mitir

2:C/qadir oo loo qaatay 100 mitir iyo 200 mitir

3:Aamina oo loo qaabaty 5000 mitir iyo 3000 mitir

4:Gamal oo iyana loo qaatay 100 mitir ,200 oo mitir iyo 400 oo mitir

iyagoona lagu waday inay dalka soomaliya ka an ba baxaan 26 Decambar sanadkii 1990 markaa ayaa waxa qilaaf soo kala dhax galay xiriirka soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud iyagoona la dhahay bixi taankii waxaa laga dhigay 6 Janyo Tartankana waxa uu furmayay 12 Janayo

 

balse iyagoo bixitaan isku diyaar garaynayo ayaa waxaa dhacay Dagaalkii UAS iyo dowladii maxamed siyaad {Bare}

markaas ayaa waxa dagaalkaasi uu sababay inuu ka baajiyo Ciyaarahasi ay ka qayb galayaan

mudo kadib waxa madaxweyn soomaliya kanoqday Cali mahdi Maxamed iyagoo ka qayb galay tartanka 1 luulyo oo xiligaasi laqabtay waxa uuna noqday Ciyaarahaasi ciyaarihii ugu horeeyay ee laqabto tan iyo Bur burkii dagaalada kadib

ciyaaryahan C/qadir Axmed Cadaawe {Ben jonson} waxa uu imnka kamid yahay ciyaartoyada cuslaatay oo kasoo carayay dagaalda kasoconaya dalka soomaaliya waxa uuna ku nool yahay dalka Kenya .

 

 

Yusuf Hussein Hassan [Huudda]

 

yuusuf504@hotmail.com

 

Cell Phone+254-713355721

 

Nairobi - Kenya