
|
|
Tababarayaasha K/Koleyga Soomaaliya Oo Coaches Clinic Level uga Furmay Djibouti ….
Xaflad si heer sare loo soo agaasimay taa oo ahayd tii lagu furayay Coaches Clinic Level oo ay soo Qabanqaabisay Olympic Solidarity ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta ugu saraysay dhanka ispoortiga dalak Jamuuriyada Djibouti iyo wasaarada isboortiga dalka Somaliya iyo Masuuliyiin ka tirsan Xiriirada Kubadda Koleyga iyo Kubadda Gacanta. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Olambikada Somaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] oo ka hadlay dadaal ay u galeen taabagelinta tababarkan oo uu sheegay in ay GOS kala kaashadeen Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga iyo Olympic Solidarity oo maalgelisay tababarkan wuxuuna u mahadceliyay mas`uuliyiinta isboortiga jabuuti oo uu sheegay in ay mar walba hiil iyo hooba ay la garab taagan yahiin walaalahooda Soomaaliyeed . wuxuuna kula dardaarmay tababarayaasha tababarkan qaadanaya in ay ka faa`ideysataan fursadan qaaliga isla markaasna ay noqdaan kuwo wax u Macalin R. Owino oo Tababaraha tababarayaasha kubadda Koleyga Soomaaliyeed ee tababarkan u socda ayaa wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu arko tababarayaal 21 garaya oo isugu jira rag iyo dumar oo u diyaarsan in ay ka qeybqaataan horumarinta ciyaaraha kubadda koleyga isagoo u balan qaaday tababarayaasha inuu u gudbin doono aqoonta uu u leeyahay dhinaca tababarka Koleyga isagoo xusay in tababarkiisu ku salaysan yahay hab la jaanqaadaya Basketball-ka Dunida. Wuxuuna amaan u soo jeediyay isboortiga labada wadan ee Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ugu horeyn waxay mahadcelin u soo jeedisay dowladda iyo dadka Djibouti waxay sheegtay in ay aad ugu mahadcelinayaan sida u gacansiyaan Isboortiga Soomaalida gaar ahaan dhinaca Isboortiga waxayna ku dheeraatay Djibouti ay noqon doonto xarun labaad oo ay wasaaradda isboortiga ka wado howlaheeda, waxayna u mahadcelisay macalinka u dhashay dalka Kenya ee Mr. R. Owino . Ugu danbayn waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Isboortiga Djibouti Xasna Barkad Daa`uud oo ka dhawaajisay in ay farxad weyn u tahay dhiirigelinta horumarka Waana markii ugu horaysay oo uu madax kanoqdo xiriirka soomaaliyeed ee kubada kolayga oo uu madax kanoqdo Mudane Roombe oo ay tababarayaasha kubada kolayga tababar ugu an ba baxaan dalka dibadiisa iyadoona maanta uu uga furmay dalka
Yusuf Hussein Hassan [Huudda] yuusuf504@hotmail.com Cell Phone +254-713355721
|
International Headlines
|













