
|
|
Tababarka Djibouti uga furmay macaliminta K/Gacanta Soomaaliya.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha XSK/Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo ka warbixiyay agaasinka Tababarkan Kubadda Gacanta wuxuu tibaaxay in XSKG inuu dadaal u galay hirgelinta Tababarka una soo xushay Tababarayaal ku haboon .wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Isboortiga Jabuuti XKKJ,XKCJ iyo saraakiisha xerada Ilaalada jamhuuriga iyo Khabiirka Hans Peter Thuum wuxuuna kula dardaarmay tababarayaasha in ay ka faa`ideystaan Course-kan.
Hans Peter Thumm Khabiir ka socda IHF una dhashay dalka Germany ahna Tababaraha tababarayaasha Kubadda Gacanta Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay tababarkan wuxuuna sheegay in uu wax badan ka caawini doono Tababarayaasha isla markaasna uu ku rajo weyn yahay in si wanaagsan uu ku dhamaado Tababarkan .
Kusimaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti C/raxmaan Maxamed Hiraabe ayaa tibaaxay in ay farxad u tahay inuu arko sida weyn ee isboortiga Soomaaliyeed kor loogu qaadayo wuxuu GOS ku amaanay dadaalka badan ee ay u galeen horumarinta tayeynta Tababarayaasha Soomaaliyeed wuxuuna kula dardaarmay in ay si weyn uga faa`ideystaan tababarkan. Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Somaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] ayaa ka dhawaajiyay in muddada uu xilka hayo ay kooban tahay isla markaasna uu dadaal u galay sidii loo heli lahaa horumarin taasoo ah wixii uu balan qaaday intii aan la dooran . "Taarikhda Isboortiga Soomaaliya ma dhicin Tababaro sidan u weyn oo isku mar dhacaaya ,Mudada aan xilka hayo iyadoo ay kooban tahay haddana GOS dadaal ayay u gashay hirgelinta Tababaradani" sidaas waxaa ka dhawaajiyay Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish) oo intaasi ku daray in GOS ay xagga maalgelinta ka kaashatay Olympic Solidarity wuxuuna u mahadceliyay mas`uuliyiinta isboortiga jabuuti iyo IHF iyo khabiirka Hans Peter iyo shirkadaha Jubba Airways iyo Qaran Express oo gacan muhiim ah ka qaatay dhiirigelinta isboortiga Soomaaliyeed .wuxuuna ugu danbayn xarigga ka jaray furitaanka tababarka Tababarayaasha Kubadda Gacanta.
Waa markii labaad tababar Caalami ah oo ay ka qeybqaadanayaan tababarayaasha K/Gacanta oo heerka 1-aad waxaana kani uu uga duwan yahay iyadoo lagu qabanayo meel ka baxsan dalka. Said Ibrahim Hussein [BUUNA] |
International Headlines
|













