
|
|
Tababarka Tababarayaasha Haanboolka Oo Lagu Soo Gabagabeeyay dalka Jamuuriyda Jabuuti
Siminaarka ayaa macalimiinta Haanboolka uu waxa uu dalka Jabuuti uga bilaawday 12 bishan isagoona maanta si heersara loogu soo gababa gabeeyay Magaalda Djabuuti Xafladii saminaarka tababarka tababarayaasha k.Gacanta ayaa manta waxa kasoo qayb galay mas`uuliyiinta ugu sareysa Olambikada labada dal jabuuti - Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Gacanta isagoona ka sheekeeyay qaabka ay tababarka uqaadanayaa tababara yaasha xiriirka uu madaxda kayahay ee Haanboolka waxa kaloo master Eenow oo uu sheegay inay ku faraxsanay tababarka sida ay ugu gutayn macalimiinta soomaaliyeed ee kubada Gacanta Wuxuuna Guddoomiye Eenoow u mahadceliyay Wasaaradda Isboortiga Jabuuti XKKJ,XKCJ iyo saraakiisha xerada Ilaalada jamhuuriga iyo Khabiirka Hans Peter Thumm wuxuuna kula dardaarmay tababarayaasha inay waxa ay bartaan u gudbiyaan walaalahooda soomaalida ah aan fursadda u helin Course-kan.inay kaqayb galaan
Hans Peter Thumm Khabiir ka socda IHF una dhashay dalka Germany ahna Tababaraha tababarayaasha Kubadda Gacanta Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay tababarkan iyo sida wanaagsan ay ula shaqeeyeen tababarayaasha isagoo ku ammaanay sida ay ugu heelan yahiin horumarinta ciyaaraha K/Gacanta ,wuxuuna sheegay in uu wax badan ka caawini doono Tababarayaasha iyo XSKG ,wuxuuna ugu baaqay in ay soo saaraan ciyaaryahano da`yar oo mustaqbalka anfaca dalka Somalia . Kusimaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti C/raxmaan Maxamed Hiraabe ayaa tibaaxay in ay farxad u tahay inuu arko mar kale tababarkan ay soo agaasimeen IHF ,GOS ayna maalgelinayso Olympic Solidarity ,wuxuuna ku dhiirigeliyay Tababrayaasha inay gudbiyaan waxa ay barteen.ardayda ay macalimiinta uhiiin iyadoona lagu arkayay Tababarka macalimiinta lasiinayo ciyaartoydii hore ee Haanboolka iyo Basked boolka ciyaari jiray sida Anwar, Ibraahin Abaarey ,Mustaf ,Faa aways, Batuulo ,Geele, Fowsiyo Geediyo iyo kwa kale oo aan magac yadooda halkaan lagu soo koobi Karin Iyadoona macalimiinta saminarkaani qaadanaysay wajiyadooda laga dareemayay farxad aad unaagsan ayaa halkaasi waxaa lagu gudoonsiiyay Shahaadooyinkoodii Xafladaan xiritaanka Tababarka Tababarayaasha K.Gacanta ayaa waxaa goob joog u ahaa Gudoomiyaha Goss Aadan Xaaji Yabarow{Wiish} isagoona siwayn ugu faraxsan macalimiinta soomaaliyeed dadaalka iyo kartida ay kuujiyeen , Waxaana maalinta biri ta ah lagu wadaa Gudoomiyaha Goss Aadan xaaji Yabarow {Wiish} oo hor ka cayo inay ka anba baxaan Dalka Jamuuriyada Jabuuti macalimiintii Tababarka dhamaystay iyo madaxda xiriirada iyadoona lagu wado inay dib ugu noqdaan l Yusuf Hussein Hassan [Huudda] yuusuf504@hotmail.com Cell Phone+254-713355721
|
International Headlines
|














