Tartanka Dugsiyada oo ka Furmay Muqdisho

MUQDISHO: Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa magaalada Muqdisho ka furay tartanka dugsiyada oo ay ku tartamayaan caruurta u dhaxaysa 12-14 jirada iyadoo ay ka qeybgalayaan 12  dugsi.

 

Tartankan oo ah kii labaad oo noociisa ah waxaa furitaanka xafladda lagu qabtay xarunta midowga ardeyda Soomaaliyeed waxaana halkaasi ka hadlay mas`uuliyiin ka socotay dhinaca dugsiyada,ardayda iyo xiriirka kubadda cagta.

 

Maxamed C/llaahi Maxamuud oo ah guddoomiyaha Ururka midowga Ardayda Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay XSKC wuxuuna sheegay inay muddo ka soo shaqeynayeen howlaha tartanka isal markaasna iminka ay ku faraxsan yahiin in la furo wuxuuna u mahadceliyay Xiriirka K/Cagta, maamulada dusgiyada ardayda  iyo dhamaan intii gacanta ka gaysatay hirgelinta tartanka.

Xoghayaha guud XSKC C/qani Saciid Carab  ayaa tibaaxay in tartanka sanadlaha ee dugsiyada ay waqti badan ka soo shaqeynayeen bahda waxbarashada iyo Xiriirka K/Cagta maantana ay muuqato in horumar weyn la sameeyay.

 

“Waxqabadkeena kuma koobnaan doonto qabashaad tartamada , lakiin barnaamijka gaar ah ayaan u qaban doonnaa iskuulada oo ay ka mid tahay tababarada,macalimiin cusub iyo garsoorayaal oo dugsiyada ah,” sidaas waxaa yiri Xoghayaha guud.

“Muhiimadda qabashada tartamadan oo akel waxay tahay si looga ilaaliyo caruurta dhaqamada xun xun sida isticmaalka muqaadaraadka,qaadashada qoriga oo ay ku galaan danbiyo inta ay ku jiraan waqtiga fasaxa dugsiga uu xiran yahay” C/qani Saciid Caray ayuu ku daray.

 

Ugu danbayn Guddoomiyaha  dib loogu doortay afarta sano ee soo socota Saciid Maxamed Nuur [Mugaanbe] ayaa ku dhawaaqay inuu tartanku furan yahay  waxaana lagu sharfay inuu kubaddii laado kubaddii ugu horeysay Kabtankii ugu horeeyay ee Sooomaaliya Maxamed Qalaf Adan [Shangole].

 

Xagga jadwalka ciyaaraha ugu yaraan waxaa dhacaya 20 kulan maalintii ugu yaraan 2 kulan  sida ay isla garteen XSKC iyo Ururka midowga Ardayda Soomaaliyeed si loo soo gabagabeeyo tartankan  10 Agoosto 2010 waqtigaas oo ay xilli sanadeed labaad ay u bilaabanayso ardayda.


Dugsiga dhexe Dharkeynley ayaa ku garaacay  ardayda Al-Massal Madina 2-1, iciyaartii ugu horeysay , halka  Jaber Bin Hayan 1-0 ku martay dugsiga Deegaan.