
|
|
Villada oo Tacsida loogu qabtay Wasiirkii isbooritiga Marxum Saleban.Tacsi heer qaran ah isla markaana ay ka soo qeyb galeen madaxda ugu sareysa dowlada kumeel gaarka ah ee Somalia, wasiiro, Xildhibaano, masuuliyiin sboorti, ciyaaroy iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada ayaa manta lagu qabtay xarunta madaxtooyada, Villa Somalia ee magaalada muqdisho.
Kulan tacsida ah oo loogu duceynayay allaha u naxariistee wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Isboortiga Dowladda KMG Soomaaliya marxuum saleebaan Colaad Rooble oo 12kii bishan ugu geeriyooday isbitaal ku yaala dalka sacuudiga dhaawac halis ahaa oo kasoo gaaray dhacdadii argagaxa laheyd ee sanadkii hore dabayaaqadiisi lagu laayay dad wax tar u lahaa bulasha, oo ay ka mid ahaayeen sadex wasiir oo dowlada Somalia ka tirsanaa, taqaatiir iyo arday markaasi dhameysatay barashada kuliyada caafimaadka, oo isu diyaarinayay inay bulshada badbaadiyaan shahaadooyinna lagu waday in la gudoonsiiyo taa badalkeedana dhiig iyo argagax abaal marin looga dhigay.![]() Isu imaatinkan tacsida iyo baroordiiqda qaran ah ayaa waxaa ugu horeeynba lagu bilaabay aayado quraan ah iyo baraarujin diini ah taa oo ka turjumeysay in qof kastaahi uu dhimanayo loona baahanyahay in la dhowrsanaado rabina laga cabsado.
Intaa ka dib ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay filim laga soo duubay dhacdadii hotel shamo ee qurxda badneyn iyo sida ay sekeno ugdahoon u madoobaatay farxadii goobta ka jirtay.
![]() Waxaa halkaasi qudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay madaxweynaha Somalia sheikh sharif sheikh axmed oo ugu horeyn tacsi u diray umada somaliyeed iyo ehelkii uu ka tagay Allaha Saleeban colaad isagoo eebe uga baryay inuu janadii fardowsa aheyd ka waraabiyo.
Madaxweyna ayaa in badan ka hadlay shaqsiyadii wanaagsaneyd ee allaha u naxariiste saleebaan colaad rooble isagoo sheegay in uu ahaa ruux ku firfircoon ka shaqaynta badbaadinta shacabka dhibaataysan islamarkaana si naf hurnimo ah u jeclaa in uu ugu dadaalo danaha shacabka, taas oo uu hadda u geeriyooday sida uu yiri.
Wasiirka koowaad ee dowlada Somalia Cumar Cabdi Rashid Cali sharma’arke, gudoonka barlamanka sheikh aadan maxamed nuur (Madoobe) iyo Khadiijo maxamd Diiriye oo ah wasiirada horumarinta reer miiga ahna ku sii hayaha xilka wasiirka sboortiga oo iyagana goobta ka hadlay ayaa tacsi u diray umada somaliyed iyagoona eebe marxuunka uga baryay inuu janada fardowsa ah ka waraabiyo.
Tahlil Olad Hassan.
Somali and International sports, journalist. Address: Email: Tahlayare@hotmail.com Tell: +254725577825 Nairobi Kenya |
International Headlines
|















