World cup 2010: xulalka u soo baxay semi final-ka iyo taariiqdooda.

Koobka aduunka ayaa waxa uu soo gaaray heer gabo gabo ah waxaana isku soo haray afar koox oo laga sugayo halkii qaadan lahaa koobka aduunka.

 

Xulalka soo baxay ayaa waxa ay kala yihiin xulka Germany,holland,uruguay, iyo spain.

 

Xulka jarmalka waxa uu si ba'an u soo xasuuqay xulkii aadka u awooda badnaa ee argentina,holland waxa ay guullama filaan ah ka qaadatay xulkii weynaa ee brasil,uruguay waxa ay si dirqi ah uga soo baxday xulkii africa ee ghana, spain waxa ay ka soo badisay xulkii pruguay.

 

Dhanka kale xulka jarmalka ayaa ah xulka ugu faca weyn afartan xul, jarmalka waxa uu finalka koobkan diigsaday ilaa 7 mar, waxa uu ku guuleystay 3 mar, waxaana sidoo kale laga guuleystay 4 mar.

 

Xulka jarmalka ayaa inta badan waxaa lagu yaqaanaa in ay badanaa bartilmaameed sadaan dhamaadka ama bar dhamaadka ciyaaraha aduunka.

 

sidoo kale waxaa taariiq yar ookooban tartanka ku leh kooxda uruguay oo horay labo jeer u qaadatay, in kastoo ay semi final-ka ugu dambeysay xili hore.

 

Xulka holland waxa ceeb ay ka heysataa qaadashada koobkan oo wali wax koob ah kuma guuleysan, balse waxa ay final yimaadeen labo mar, waxaa ka kala qaaday xulalka germany iyo argentina sanadihii 1974 iyo 1978.

 

Xulka spain ayaa ah xulka ugu taariiqda yar afartan dal, walikood ma imaan wax final ah marka laga reebo sanadkan oo ay soo diigsadeen bar dhamaadka ciyaaraha aduunka iyo 40-sanoka hor oo sidoo kale ay halmar yimaadeen xilikaasoo uu reebay xulkii talyaaniga.

 

Kooxahan soo baxay ayaa sadax ka mid ah waxa ay ka socdaan qaarada yurub ,halka hal koox ay ka socoda koofurtamerica.

 

yurub ayaa waxaa u diwaan kashan in waligood aysan koob aduun ku qaadin meelka baxsan qaarada yurub, oo waxa ay sanadkan doonayaan in ay soo afmeeraan ceebtaas.

 

 

Halka uruguay ay dooneyso in markeedii ugu horeysay ay ka dhex qaadato sadaxkoox oo european ah, si america ay hal koob uga kor marto qaarada yurub, maadaama labada dal ay wada leeyihiin mid 9-koob uuna ka dhexeeyo xifaaltan kubada ah.

 

kooxaha yurub waxa ay rabaan in ay markoodii labaad ee isku xiga ay qaataan koobka aduunka maadaama hada xulka heysto koobka aduunka uu ka soo jeedo qaarada yurub waa xulka talyaaniga.

Sadaam ahmed gobey

samali journalist