W.Rooney oo laga cabsi qabo in uu seego kulanka AC

LONDON: Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa ka cabsi qabo in ciyaaryahan Wayne Rooney uu seego ciyaarta adag ee ay Arbacada la ciyaarayaan kooxda AC Milan kulankaasi oo ka tirsan Champions League.
Rooney ayaa ka maqnaa kulanki ay Man Utd uga badisay kooxda Wolves 1-0, kadib marki uu ka dhaawacmay jilibka ciyaartii xulka Ingiriiska uu la ciyaaray xulka Masar.
"Isaga shaki ayaa ku jiro in uu safan doono iyo inkale kulanka Arbacada taasi runtii dhibaato weyn ayey nagu tahay" ayuu ku daray Ferguson.

United waxaa horay uga maqnaa carrick iyo weeraryahankeeda Michael Owen, kaasoo ka maqnaan doono inta ka harsan xilli ciyaareedkan.