Xaflad casho sharaf ah oo aad loo soo qaabeeyey oo lagu casuumay dhamaan martidii ka soo qeybgashay cayaaraha xagaaga Stockholm ayaa xalay lagu qabtay magaalada Stockholm

Waxaa xalay xaafadda Veddesta oo ku taal magaalada Stockholm lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo aad loo soo qaabeeyey iyadoo ay xafladaasina soo qaban qaabiyeen ururweynaha SEUKI oo qabta cayaaraha xagaaga kubadda cagta ka dhaca magaalada Stockholm iyadoo lagu casuumay dhamaan marti sharaftii ka soo qeybgashay cayaaraha kubadda cagta iyo waliba tan kubadda koleyga oo iyaduna ka socta magaalada Stockholm.

 

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay masuulkii ugu sareeyey xalay ee Guddiga Olympikada Soomaliya Duran Faarax oo halkaa isna la dardaarmay bahweynta Sportiga kalana dardaaramay in wax dhab ah la qabto loona qabto dalkeena. 

 

 

 

 

Waxaa xalay halkaa martidii cashada ka diib maaweelinayey Al fanaan Qaalid Cadaan iyo saaxiibkiis Jacfar iyo Maxamed Cumar.

 

 

Isku soo duuboo xafladan xalay ayaa aheeyd mid ay ku kulmaan tiro badan oo ka mid ah bahweeynta Sportiga Soomalida oo ku kala nool meelo kala duwan oo dunida ka mid ah. 

 

 

Xafladan ayaa waxaa sanad walba ururweynaha SEUKI ku taageera maamulaha xawaaladda Dahabshiil Mudane Maxamuud Ibraahim oo runtii ah shaqsi u taagan hormarinta Sportiga isagoo mar ka sta gacan ka geeysta howlaha lagu hormarinayo Sportiga Soomalida.

Xafladdan oo uu xiriirinayey xoghayaha ururweynha SEUKI Cabdiwali Maalin ayaa waxaa ugu horeeyntiiba lagu furay aayadaha quraanka kariimka iyadoo ka dibna uu hadalkii qaatay Guddoomiyaha ururweynaha SEUKI haatana ah xubin guddiga fulinta ee xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa waxaa uu marti sharaftii ku soo dhaweeyey gacmo furan .

 

Sidoo kale waxaa hadal gaaban halkaa ka jeedisay siyaasiyadda xisbiga Moderatka Kerstin Gustavsson oo iyaduna halkaa ka jeedisay hadalo qiiro leh oo dadka soo jiitay.

Waxaa isna meesha ka hadlay maamulka kooxda Australia Mr Cumar oo sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay cayaarahan uga soo qeybgaleen ay tahay ineey la kulmaan walaalahooda Soomaliyeed ee ku dhaqan qaaradda Yurub iyagoona taas insha allah joogteeyn doona miustaqbalka.

Abdi Osman Daamey