Xiddigaha Kakake oo 3 dhibcood si fudud u qaatey

Waxaa Taariikhdu markey aheyd 05/03/2010 ciyaar adag oo ka tirsaneyd Tartanka Horyaalka Kubbadda Cagta ee jaalliyadda Soomaaliyeed eek u nool Magaalada JiddaBoqortooyada Sacuudi Carabiya  isaga horyimid labada naadi ee kala ah SYL iyo Fc Shandi ciyaartaasoo aheyd mid la wada sugaayey oo aad iyo aad u xiiso badneyd waxayna ku bilaawatey weerar iyo weerar celin oo labada  naadiba aan wax isugu isugu reeban wallow ay labadaasi naadi ay ka dhaxeeyaan is xifaaltan gaar ah waayo maalmo ka hor ayey labada naadi shir ay wada qabteen uu midba midka kale ugu hanjabey inuu ka badin doono ciyaartaasoo il gaar ah ku hayeen naadiyada kale oo ay isku group ka yihiin si fursad ugu noqoto u soo bixitaanka wareega sideedaad ee tartanka .

Guddoomiyeyaasha iyo tababarayaasha labada naadi waxey ciyaaryahandooda u balan qaadeen abaalgud maaliyadeed oo ay siin doonaan ciyaaryahankii muujiya karti dheeri dheeraad ah iyo ciyaaryahnkii gool dhaliya .

Hadaba ciyaar waa iska halkeeda kubbadduna waa cad iyo madow oo nina ma taqaan qeybtii hore ee ciyaarta waxey kusoo gabagbowdey  0 – 0 oo an wax goolal ah leyska dhalinin

Markii leysugu soo laabtey ciyaarta qeybteeda labaad ayey ciyaartii ka sii dartey kuleylkii ay ku bilaawatey nasiib daro se kooxna uma aysan suurto gelin inay wax goolal ah halkaasi ka dhaliyaan waxeyna ciyaarta kusoo gabgabowdey 0 – 0 oo ay labada naadi isla dhaafi waayeen  .

Waxaana garsoore ka ahaa garsoore Maxamed Aweys Axmed ahna garsoore qibrad weyn u leh kubbadda cagta muddo badan kusoo dhex jirey garsoorka waxaana Calan walayaal ka ahaa Ciyaaryahanadii berisamaadkii wadanka ka soo ciyaari jirey oo kala ah Cali sheikh Cadow (Kampala) iyo Nuur Macow aweys (NUUROW ),  loomana kala maqneyn dhammaan Guddiga Bahda isboortiga ee jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda Boqortooyada sacuudi Carabiya waxaana ka mid ah:

Salaax Camuudi baajaabir ( WAGAD )

Cali Maxamed Colaad (cali Baashi) ( Muqdisho)

Cali Canbuulo (Badda, Kismaayo ), Maxamed Ceydaruus (Jeenyo)

Yacquub Axmed Maxamed( Waxool )

Sayid Cali ( Ajka ) ( Badda )

Seylac

Ciyaartii labaad Waxay dhex mari laheyd Naadiyada  Xiddigaha Kakane iyo  Xiddigaha Kanda waxaanan halkaasi ka soo xaadirin naadiga Xiddigaha Kandara waxaan si fudud dhibcihii ku qaatey Naadiga Xiddigaha Kakane oo habka forfaith loo yaqaan ku qaatey saddex dhibcood ee ciyaarta .

Natiijooyinka dambe kala soco website kan

jedsomsport@hotmail.com

jedsomsport@gmail.com